Somaliland iyo Itoobiya oo Ka Wadahadlay Iskaashiga Tamarta iyo Macdanta

0
1765

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo booqasho shaqo ku joogga Magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa la kulmay wasiirka wasaaradda  Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta Dabeeciga ah ee dalka Itoobiya  Eng. Takele Uma.

Labada wasiir, ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha sidii ay labada dowladdood iskaashi uga yeelan lahaayeen horumarinta, Tamarta, Shidaalka iyo ,Macdanta, una yeellan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo ku saabsan arrimahaasi.

Shirka laba geesoodka ah oo ku bilaabmay is-xogwaraysi ay labada wasiir iskaga waraysteen hawlaha ay qabtaan labada wasaaraddood, fursadaha horumarineed ee ay fuliyeen iyo waxyaabaha uga qorshaysan, ayaa waxay sidoo kale iskula soo qaadeen meelaha ay iska-kaashan karaan labada dal iyo sidii ay u abuuri lahaayeen jawi wada-shaqayneed oo joogto ah.

Kulanka oo intii uu socday labada wasiir iskula soo qaadeen arrimo badan, ayaa ku soo dhamaaday guul iyo faham buuxa.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi, waxaa kulankaasi ku wehelinayey Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka Axmed Faarax Caddare iyo safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Ambasadoor Maxamed Axmed Cawad.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sanadihii u dambeeyey xoogga saartay horumarinta noocyada tamarta iyo dardar gelinta mashaariicda shidaal qodista oo hadda meel fiican maraya, lana filayo in sanadkan gudihiisa si rasmi ah loo bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here