Somaliland iyo Hindiya oo Xidhiidh Cusub U Biloowday

0
4332

Delhi (Hargeisa Press) – Wefdi xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo safar shaqo ku tagay caasimada dalka Hindiya ee New Deĺhi, ayaa maanta kulan la qaatay madax ka tirsan dowladda Hindiya.

Wefdiga xildhibaanada ah ee ka socda golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Saciid, Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse, Xildhibaan  Cabdikariin Meecaad iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac.

Waxaanay wefdigan xildhibaanada ahi ay kulan balaadhan la qaateen Wasiiru dowlaha arrimaha dibbada ee dalka Hindiya iyo Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka dalkaasi.

Ujeedka safarka wefdiga Xildhibaanada, ayaa la xidhiidha sidii ay u sii xoojin lahaayeen iskaashiga labada dowladdood ee Somaliland iyo Hindiya, gaar ahaana dhinaca maalgashiga iyo Caafimaadka.

Labada dhinac, waxa ay ka wadahadleen iskaashiga labada wadan ee ganacsiga, isku socodka, maalgashiga iyo arrimo badan oo khuseeya labada wadan iyo sidii wadashaqayn dhow ay u yeelan lahaayeen labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here