Somaliland: Guurtidda oo Loo Qaybiyay Xeerka Ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka

0
637

Hargeisa (Hargeisa Press)- Fadhigii maanta ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa xildhibaanadda loogu qaybiyay xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka kaasoo ka soo gudbay golaha Wakiiladda.

Fadhiga oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaa ka soo xaadiray badi 82 ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa xoghayeyaasha golaha ku wargliyay in xildhibaan walba loo dhiibo qoraalka xeerakaasi.

Waxaanu yidhi “Xildhibaanadda ha loo qaybiyo xeerkii goboladda iyo degmooyinka”.

Xeerkan goboladda iyo degmooyinka ee maanta loo qaybiyay golaha Guurtidda ayaa la filayaa in  xildhibaanadu gudo geli doonaan Isniinta soo socota ee todobaadkan.

Dhinaca kale xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka ayaa muran badan ka dhex abuuray markii ay ansixinayeen golaha Wakiiladu, iyadoo goboladda iyo degmooyinku ay si weyn uga qayliyeen.

Waxaana jirtay in xeerkaasi uu abuuray khilaafka u dhexeeya goboladda iyo degmooyinka dalka oo aanay sidii loo magacaabay ansixin goleyaasha sharci dejinta.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY