Hargaysa (HP): Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa Ansixiyay Xeerka Garyaqaanka guud Fadhigii Golaha Wakiilada ee shalay oo uu Shirgudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen Xeerka Garyaqaanka guud.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayay Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayay cod gacantaaga ku meel mariyeen Xeerka Garyaqaanka guud.
Xeerkan Garyaqaanka guud oo Mudanayaasha Golaha Wakiilada wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay ayaa waxa ay Cod u qaadeen Xeerka Garyaqaaanka guud waxaana ogolaaday in la ansixiyo 24 waxaana diiday 1 Xildhibaan halka uu ka diiday hal Xildhibaan halka halka ay ka aamuseen 14 Xildhibaan Guddoomiyuhuna aanu codayn.
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ka sheegay fadhigaas u jeedada loo sameeyay Xeerka Garyaqaanka guud.
Waxaanu yidhi“Ujeedada Xeerkan waxa weeye in lagu dhiso Xafiis dawlada uga masuul noqon doona Adeegyada Sharci ee Laamaha dawlada u baahanyihiin si loo buuxiyo Adeegyada Sharci ee Dawalada isla markaana lagu mideeyo qaabdhismeedka Xafuiska Garayaqaanka guud,”.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.