Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Garsooreyaasha, Xeer Ilaaliyeyaasha Iyo Kaaliyeyaasha Maxkamadaha Oo Dirays Loo Sameeyay

0
1009

HARGEISA, (HargeisaPress) —  Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa soo bandhigay dirays khaas u ah bahda Garsoorka Somaliland oo ay ku hawlgalayaan.

 

Masuuliyiintan ugu sarreeya Bahda Garsoorka oo shir jaraa’id kuwa qabtay magaalada Hargeysa Maanta waxa ay xuseen in hadda wixii ka dambeeya adeegayaasha caddaaladdu ay dirayskan ku hawlgalayaan si ay uga dawanadaan hay’adaha kale ee dawliga iyo dadka shacabka ah ee ay u garqadayaan.

IMG_2016 kk

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaali oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waxa aannu doonayna in halkan ka bilawno oo la soo bandhigo, bahdii garsoorka dirayskeedii kala duwana ee maanta laga bilaabo la hirgalinaayey oo hay’adaha Garsoorku waxa ay leeyihiin waaxyo is dhamaystiraaya oo hal waax isu ah shaqana wada qabta, waana Garsoorayaasha, Qareenada, Xeer-ilaaliyayaasha iyo bahda shaqaalaha hoose ah ee la shaqeeya, waana bah isku mid ah oo ujeeddo isku mid ah bay hayaan, taasoo ah in dadka adeega caddaaladda la gaadhsiiyo. Si ay haybad u yeeshaan, uguna socdaan dadka kale ee ay u adeegayaan, waxa maanta laga bilaabo la soo dejiyey dharkii ay qadanaayeen marka ay shaqada gudanayaan. Dharkan oo shaqadooda tusayaa, isla markaana tilmaamaya noocyada ay u kala qaybsan yihiin, qayb walibana ay gaar u sii leedahay.”

IMG_2028999

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali waxa uu tilmaamay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin dharka ay xidhayaan Garsoorayaasha, Qareennada, Xeer-ilaaliyayaasha iyo shaqaalaha hoosaadka Garsoorku, waxaannu yidhi; “Garsoorayaashu waxa ay qaadanayaan shulug madaw oo leh calanka Jamhuuriyadda Somaliland, astaanta garsoorka iyo liid dahabi ah. Marka ay noqoto Xeer-ilaaliyayaasha waa shulug madaw oo leh calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu leeyahay liid cas oo uu ku leeyahay gacmaha iyo dherarka guud. Kaaliyayaasha waa shaadh buluug ah oo calanka Jamhuuriyadda Somaliland leh, astaanta garsoorkana iyo surwaal madaw. Gaadhsiiyayaasha oo kale waxa ay qaadanayaan shaadh cas oo calanka Jamhuuriyadda Somaliland leh, astaanta garsoorka iyo surwaal madaw. Qareennadu waxa ay qaadanayaan suudh madaw iyo shaadh cad iyo tay madaw, shuluga iyo iskaaf cadna way ku darayaan, laakiin inuu diraysku jiro ayaa lagama maarmaan ah.”

IMG_2048 kkk

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan waxa uu caddeeyey in dharkan muujinayaan shaqada bahda garsoorku hayaan, waxaannu yidhi;“Waxa uu soo kordhinaya waa aqoonsi, kumaa tahay si hay’adaha kale amma dadweynaha uga soocmaan oo la yidhaa qofkaas waa Xeer-ilaaliyihii, garsoorihii amma qareenkii amma qofkii kale ee adeega garsoorka dadka gaadhsiinaayey.”

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here