Booliiska dalka Faransiiska Oo sheegay in Iska-horimaad maanta ka dhacay Paris lagu dilay laba qof

0
919

Paris, (HargeisaPress) — Xafiiska dacwad-oogaha magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in haweeney ay maanta isku qarxisay duleedka magaalada Paris, xilli booliiska ay howlgal ka dhanka ahaa mintid ka tirsan ISIS oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyeyey weeraradii ka dhacay Jimcihii Paris ay bartilmaameesanayeen.

 

Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Paris ayaa sheegay inay raadinayaan C/xamiid Abaaoud oo ah nin Biljamka u dhashay oo asal ahaan kasoo jooda dalka Morocco iyo qof kale uu weli isku dhex qarinayo dhismaha howlgalka laga fuliyay maanta.

 

Marka laga soo tago haweeneydan haweeneyda is-qarxisay, booliiska waxay sheegeen in qof kale lagu dilay goobta, saddex sarkaal oo booliiska ka tirsanna lagu dhaawacay howl-galka.

 Anti-terrorist police raid apartment in Saint Denis, Paris. Photograph: Lewis Joly/Sipa/Rex
Anti-terrorist police raid apartment in Saint Denis, Paris. Photograph: Lewis Joly/Sipa/Rex

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha dalka Faransiiska ayaa lagu xusay in saddex qof oo ku sugnaa dhismaha howlgalka laga fuliyay la xidhay, laba qof oo kale lagu qabtay bannaanka dhismahaas.

 

Ugu dambeyn, booliiska Paris ayaa iyaguna sheegay in 16-ruux la xidhay tan iyo maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay, iyagoo lala xidhiidhnayo weeraradii dhacay jimcihii oo Paris ee lagu dilay 129-ka qof, laguna dhaawacay 350 qof oo kale.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here