Somaliland: Daraasad Lagu Qiimaynayo Addeegayada Dawladda Oo la Daah-furay

0
616

Hargaysa (Hargeisa Press): Daraasad lagu qiimaynayo addeegyadda ay wasaarradaha iyo haadayaha dawladu u qabtaan bulshadda ayaa maanta laga daah-furay magaaladda Hargaysa.

Waxaana furitaanka daraasadaasi ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha maaliyadda, biyaha, shaqo-gelinta, deegaanka, madaxda haayadda shaqaalaha, guddoomiyaha haayadda tayada.

Guddoomiyaha haayadda maamul-wanaaga, masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo hawl-wadeeno laga soo xulay wasaaradaha, haayadaha madaxa bannaan iyo jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, oo hadal ka jeediyay furitaanka daraasadaasi ayaa sheegay in daraasadda lagu bar-tilmaameedsan doono saddex qodob.

Kuwaasoo kala ah, Qiimaynta adeegga la bixinayo, si ay u fududaato isla-xisaabtanka iyo daah-furnaantu, hogaaminta maamul iyo hal-abuurka iyo casriyaynta adeegyada maamulka.

Sidoo kale waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in marka ay soo dhamaato daraasaddani ay ka dhalan doonaan tallaabooyin taabanaya nidaamka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda, iyada oo dib-u-habayn iyo casriyayn lagu samayn doono laamaha dawladda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, mudane Sacad Cali Shire, waxaa uu sheegay in dawladda iyo dadweynaha uu ka dhexeeyo heshiis.

Kaasoo ah in ay dadweynuhu cashuurta bixiyaan isla markaana dhanka dawladdana laga helo adeegyada xaqa loogu leeyahay.

DAAWO: HADALADII LAGA JEEDIYAY FURITAANKA DARAASADAASI:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here