Madaxweyne Biixi oo Qaaday Tallaabo Lama Filaan Ah

0
2939

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa kullan isugu yeedhay Maayirkii hore ee Caasimadda Hargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Musharaxa cusub ee Maayirka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge.

Madaxweynaha oo kullankaasi labadoodaba si wada jira ula hadlay ayaa duqii hore ee Hargeysa uga mahadnaqay soo jeedintii uu usoo jeediyey inaanu tartanka ka qeybgelin isla-markaana uu la qaatay, sidoo kalena waxa uu dardaaran faray Cabdikariim Axmed Mooge oo  hadda u taagan qabashada jagada Maayirnimo ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu labada mudane u sheegay inay  ku wada shaqeeyaan niyad-sami.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Annigu markii  aan arrinta eegay, Hargeysa eegay danta guudna aan eegay, waxaan go’aamiyey inaanu maanta tartankaa gelin Cabdiraxmaan sababahana waan u sheegay, waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa in isagoo aan waxba dareemin uu yidhi talladaadaa waan qaatay”.

Madaxweynaha oo u sharaxay labada masuul sababta ku dhalisay inuu ka naasuliyo maayarkii hore ayaa yidhi “Marka hore Magaalada Hargeysa oo is khilaafsani doorasho geli mayso anoo jooga ma dhici karto in iyadoo is khilaafsan oo is eryanaysa ay gasho doorasho, inaan isku kiin sii daayo oo aad magaalada ku durdurisaan anaa diiday, aad iyo aad baan kuugu mahad naqayaa Cabdiraxmaanow maanta waad guulaysatay”.

Madaxweynaha oo si gaara ula hadlay Murashax Mooge ayaa yidi “Cabdikariinow maanta adaa xilkii magaalada qabanaya inamada kalena ma diidana ummadduna sidaas bay raali ku tahay, waana lagula shaqaynayaa Cabdiraxmaana gacantaada koobaad buu noqonayaa, waanad mahadsan tihiin”.

Ugu danbayntiina waxa si wada jira madaxweynaha ugu mahadnaqay labada masuul ee isu tanaasulay ee Maayarkii hore ee Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo murashaxa maayarka shanta sanno ee soo socda Mudane Cabdikariim Axmed Mooge iyagoo ballan qaaday inay dhawrayaan dardaarankaa madaxweynaha kuna shaqayn doonaan haddii eebbe qadaro.

LEAVE A REPLY