Burco (Hargeisa Press.com): Taliska ciidamadda booliska Somaliland ayaa ka hadlay dhacdadii askariga lagu dilay ee shalay ka dhacday degmadda Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Waxaana arrintaasi ka hadlay taliye ku-xigeenka ciidamadda booliska Somaliland sareeye guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle, oo safar shaqo ku jooga goboladda bariga iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer gaashaanle sare Axmed Aw Cali Shabeel, oo maanta gelinkii danbe si wada jira warbaahinta ugula hadlay magaaladda Burco.
Somaliland sareeye guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle, ayaa ugu baaqay shacabka in ay ilaaliyaan sumcadda iyo karaamadda ciidamadda booliska, isagoo ku hanjabay in aanay mar danbe dhici doonin I booliska si fudud loo waxyeeleeyo.
Taliye Fooxle, waxa uu sheegay in ilaa dhawr iyo toban askari oo saraakiil ay ku jiraan dhawr jeer ooh ore ay dad shacab ah laayee, balse wixii hadda ka danbeeya aanay taasi dhici doonin oo ay ciidamadu raaci doonaan sharcigoodda ah in ay is difaacaan.
Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay taliyaha qaybta booliska Togdheer, oo faahfaahin ka bixiyay dhacadadii uu askarigu ku dhintay iyo tallaabadii ay ciidamadu dhacadadda ka dib qaadeen.
Halkan KaDaawo Fooxle iyo Axmed Shabeel oo Dhacdadaas Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.