Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo Garaadada Sool U Diray Farriimo Garnaqsi

0
1563

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilligan hoggaamiya Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa ka hadlay xaaladda xilligan ee Garaadada Sool iyo wixii dhacay markii ay Ciidamada Somaliland ka soo baxeen Saldhiga Bariga Laascaanood ee Gooja-cadde.

Guddoomiye Maxamuud Xaashi, wuxuu ka hadlay mashaqooyin dhacay maalinta oo aan wanaagsanayn, kuwaas oo ahaa kuwo aan laga filayn Garaadada Sool, isagoo taas barbar dhigay xilliyo hore oo collaadu ku baahday geyiga Soomaalida iyo taariikho hore oo xidhiidh la leh dagaalo dadka walaaallaha ah ee Ood iyo Ab-wadaagta ah saameeyay, kuwaas oo sida uu sheegay aan laga tegin gobonimada iyo bini’aadanimada.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in maadaama uu isagu marar baddan ka hadlay arrinta ka taagnayd gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood, isla matkaana ku baaqayay in xal nabadeed loo maro khilaafka si looga baaqsado collaad iyo dagaalo lagu riiqdo oo aannay cidna dani ugu jirin, isagoo xusay in xataa xilli aannay arrintu gaadhin halka ay gaadhay maanta bilawgii mushkilada collaada mar Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu yeedhay si uu tallo uga weydiiyo arrintaa si badheedh ah ugu gudbiyeen tallooyinkii uu aaminsanaa oo ahaa kuwo nabadeed iyo in aan xalka Laascaanood ahayn Cuddud Ciidan iyo qori caaradii, sidaa awgeed kula taliyay Madaxweynaha Somaliland in ciidanka laga soo saaro kadibna la furo wadahadal, balse aannu Madaxweyne Biixi dheg-jalaq u siin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mar ay la kulmeen Ururada Siyaasaddu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isku deyay inuu Madaxweynaha ku qanciyo xal nabadeed oo aan ahayn dagaal, taas oo sida uu xusay masuuliyiinta Ururada Siyaasadda ee ay la wada kulmeen Madaxweynaha, isagoo u bandhigay innay ku taageeraan mawqifkiisa, balse nasiibdaro ay ku kala qaybsameen markii ay arrintaa Madaxweynaha kala hadleen, taasina ay xagal-daacisay qorsha nabadeed ee uu aaminsanaa.

Maxamuud Xaashi, wuxuu sheegay in maadaama uu intii arrimahan dhacayeen ku dhaliilayay Madaxweynihiisa Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa, balse ay lagama maarmaan noqotay inuu dhinaca kale la hadlo, isagoo ka hadlay dhacdooyin baddan oo u baahan innay xusuustaan Garaadada Sool iyo shacbiga Laascaanood si aannay ugu asqoobin guusha ay is tuseen.

“Maanta furrayaasha Nabada iyo collaadu waxay yaalaan Laascaanood, Garoowe, iyo Gaalkacayo, maanta maaha maalintii guuta koobaad ka talin lahayd ee yaanay iskagakiin khaldamin” ayuu yidhi, Maxamuud Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here