Siyaasi Maxamed Cabdikariim Oo si adag u naqdiyay Wasiir Xirsi Iyo Wargayskiisa Somaliland Today

0
1204

Warsaxafadeed uu soo saaray siyaasi Maxamed Maarshaal ayuu ku naqdiyay wasiir xirsi iyo Warsidihiisa Somaliland Today, wuxuuna u dhignaa isagoo faahfaahsan sidan:-

In badan ayuu warsidaha Wasiir Xirsi ee Somaliland Today soo celceliyay, in aragtidayda siyaasadeed ay ka tarjumayso ta guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ama in aragtidayda ii gaarka ah ee aan ku faaqido siyaasadda uu ku xidhiidhiyo Guddoomiye Muuse Biixi .

Runtii waa ayaan-darro, in nin  masuul xukumadeed ahi been abuur intaa leeg iga sameeyo, isaga oo adeegsanaya shaqaalihiisa, kuna raadinaya macaash siyaasadeed iyo in uu wax ku yeello xidhiidhka gudoomiye Muuse Biixi iyo madaxtooyada ama taageerayaasha iyo guddoomiyaha.

Waxa halkan ka caddaynayaa in aan aragtidayda siyaasadeed, faallooyinkayga siyaasadeed, faaqidaadayda siyaasadda ee Somaliland aanan cidna ku matalin una ahay siyaasi madaxbanaan.

Guddoomiye Muuse Biixi, waa hoggaamiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye, waa siyaasi weyn oo qarankan waqtigiisa galiyey, waa hoggaamiye umaddan wax ka raba, sidaa awgeed anniga oo ah siyaasi madaxbanaan, sabab ay aragtidayda gaarka ii ah loola doonto ma jirto.

Dadka waxan ka dambeeya, ee ay ugu horreeyaan Wasiirka Madaxtooyada iyo yarka  warriyaha u ah ee Muniir la yidhaa, waxa aan leeyahay siyaasadda ayaad khalad fahamteen,waxaad tacbiir qaldan ka haysataan niddaamka dawladnimo iyo dastuurkaba, haddii aad siyaasadda iyo noloshaba qoysnimo aad ugu indho dilaacsateen, annigu waxa aan aaminsanahay inay tahay xuquuq muwaadin oo asaasi ah, xilna iga saaran yahay inaan la xisaabtamo, naqdiyo, falanqeeyo, duro, sida oo kalena aan tilmaamo hadba wixii qarankan iyo shacabkan dan u ah sida uu dhigayo Qodobka 32aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka Qaranka oo damanad qaaday, in muwadin kasta xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal , muuqaal, suugaan ama qaab kale.

Hadduu Wasiir Xirsi ku soo koray kuna soo macaashay gacan ku rimis qabyaaladdeed, hadduu gacan qabasho reereed uu ku yimid magaalada Burco, haddii uu  shaqada  ku helay gacan qabasho qoysnimo, hadduu Wasiirnimada uu ku helay tolnimo, haddii uu qaranka ku boobay qabyaalad,  haddii uu yahay ka sumcadda iyo magaca ka dilay Madaxweyne Siilanyo,  haddii uu fahamkiisa dawlanimo yahay reernimo iyo jufanimo , waxa uu dadka moodayaa in ay la dhaqan yihiin oo la korniin yihiin, waana sababta uu wiilka uga shaqeeya jarriiraddiisa iyo warsidaha Somalilandtoday anniga iyo rag kale oo madaxda qarankan ahba uga aflagaadeeyaan.

Waa foolxumo siyaasadeed oo dalka uu la yimid isaga iyo yarka uu huteelka ka soo wareejistay in ay dadka ku kala guraan reernimo, dhaliisha xukuumadana u fahamaan in reer la caayayo, dadka acyaanta ahna ku aflagaadeeyaan, fahamka dawladnimo ee gaaban iyo aragtidaa halbeegga u ah reernimada ee masuul dawladeed oo mansab siyaasiya ahi aaminsan yahay, waxay wareemaysaa sumcadii iyo qaranimiadii Somaliland, se waxa aan leeyahay halkaa waad ku hungowday, hanyari siyaasadeedna  way muujinaysaa, waana dacaayad raqiis ah oo aan agtayda waxba ka goyn

 

Siyaasi  Mohamed-Maarshaal Abdi Kariim​

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here