Sirta Dhabta ah Ee Xisbiga Kulmiye Ku Jirta iyo Dhinacyada Is-haya. By: Maxamed Cali Mataan

0
1050

Waxa aynu wada ognahay in xisiga Kulmiye uu soo maray mar xalado badan oo dhawr jeer oo hore uu soo qabsaday shirar kala duwan oo lagu dooranayey gudoomiye iyo musharaxiinta Madaxweynaha iyo M/kuxigeen marka laga soo bilaabo 2008-dii ee lagu soo doortay siilaanyo iyo saylici ee lagu qabtay magaalada Burco waynu wada ogayn sidii loo qabtay iyo in aan cidi isla sharaxin oo musharaxiintii hanka lahaa laga wada hor istaagay oo loo wada diiday intii sheegatay in ay musharax yihiin oo loo af duubay cid gaar ah intii uu hanku galayna banaanka loo saaray. Sidoo kale waxaa aynu wada ogayn markii Muuse Biixi loo dooranayey Gudoomiyeyaha Xisbiga Kulmiye ee lagu qabtay Hotel Maansoor cidi islamay sharaxin oo kaligii ayaa la doortay oo loo xidhay markaa nimanka maanta leh Madaxweynuhu dimuqraadiyadii xisbiga ayuu dilay halkee ayey ka keeneen dimuquraadiyada ay sheegayaan? Ku darsoo waliba intooda badan way wada joogeen oo galaha dhexe ayey ka mid ahaayeen raalina way ka ahaayeen markaa miyaaneyn ahayn waxa meesha la isku hayaa in ay tahay aniga ii xidh iyo aniga ii xidh madaxweyne inta ay beenta inoo sheegayaan ee ay leeyihiin Madaxweynuhu wuxuu diiday in uu dhex noqdo inagoo wada og in Madaxweynuhu uu ilaa imika uu leeyahay anigu dhex ayaan ahay iyaga markii la waydiiyey ee la yidhi madxweynaha ma waydiiseen in uu cid taageersan yahayna ay ku jawaabeen waa la noo sheegay.

 

Isku soo wada duuboo sirta meesha ku jirta ayaa ah in dhinac walba uu doonayo in iyaga uu Madaxweynuhu taageero oo awooda xisbiga dhinacooda loo janjeedhiyo sababta uu dhinac walba u rabo ayaa ah horeba waxa ay u ogaayeen in aan meesha cadaaladi jirin oo cida awooda lahi ay ka soo baxdo waana sida caadada u ah kulmiye markaa waxa qurux badnaan lahayd in ay dadka runta u sheegaan oo ay shacabka ku yidhaahdaan taageerid Madaxweynaha ayaanu waynay.

 

 

Wabilaahi tawfiiq

Maxamed Cali Mataan.

 Mataan448@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here