Sirdoonka Somaliland oo qabtay rag ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya

0
5430

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa qabatay laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo damacsanaa in ay falal qorshaysan ka fuliyaan magaalada Boorama.

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA oo qoraal ku baahisey boga X, ayaa waxaa ay sheegtay in ay qabatay kooxo doonayay in ay magaalada Boorama qalalaase ka abuuraan.

“Waxaanu gacanta ku dhignay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama. Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu daba jiro.” Sidaa ayaa lagu sheegay qoraalka hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA.

Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa sheegtay in ciidanka sirdoonka Somaliland ay bulshada ugu baaqayaan in ay laamaha amaanka ku wargaliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Si kastaba, hay’adda sirdoonka Somaliland, ayaa sannadkii u danbeeyay qabatay isla-markaana xabsiga u taxaabtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen faldambiyeedyo argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here