TRUMP oo weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

0
1100

Washington (Hargeisa Press)- Donald Trump, ayaa markale u muuqday inuu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.

Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aas-aasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.

Khudbaddiisii habeenkii Sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isagoona xilligaa yidhi, “Ilhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.”

Waxa uu intaas ku sii daray “Xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qofkani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.”

Trump, ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.

Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, “Anigoo khudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay, way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahay”.

Qaybta hadalkaas ee Trump, ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahwareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan.

“Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay.

Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere “argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay “neceb tahay Mareykanka”.

Trump, ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.

Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.”

Faallooyinkiisaas, ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.

Xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaadhaya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.

Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here