Sirdoonka Somaliland oo Qabtay Saanad Dagaal Oo Loo Waday Kooxaha Huwanta

0
703

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay”adda nabad sirdoonka qaranka JSL ayaa shaacisay in ay qabteen saanad dagaal iyo agab kale oo loo waday kooxaha Huwanta ee ka dagaalamaya gobolka Sool.

War qoraal ah oo ay baahisay haayadda sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigtey 200- oo Taayirradda gawaadhida ah oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala galay, iyo waxyaabo kale.

“Haayadda ugu saraysa amniga Somaliland NIA, oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku waajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood ayaa gacanta ku dhigtey 200- oo Taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala galay” ayaa lagu yidhi warkaasi.

Geesta kale haayadda NIA waxay warkeedan ku sheegtay in iyagoo garabsanaysa laamaha nabad geliyada in ay burburisay shabakado adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood ka dagaalamaya.

Kuwaasoo lagu soo qabtey qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gar-gaarka deg degga ah.

Waxaana lagu yidhi “Dhanka kale NIA oo garabsanaysa laamaha nabadgelyada ayaa burburisay shabakado adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood.

Waxaana lagu soo qabtey qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah”.

Dhinaca kale warar maalmahan ba soo baxayay ayaa sheegaya in haayadda sirdoonka Somaliland ayaa hawl gallo baadhitaano ah ka fulisay magaalooyinka dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Waxaana hawl galadaasi laga sameeyay qaar ka mid ah shirkadaha gaadiidka rakaabka qaada ee isaga kala goosha goboladda iyo degmooyinka dalka.

Iyadoo na baadhitaanadaa kadib la soo xidh xidhay xubno ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha safarrada qaarkood oo lagu eedeeyay in ay kooxaha Huwanta ee ka dagaalamaya Sool u gudbiyeen Hub, iyo agabyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here