Shirweynaha Warbaahinta Somaliland oo maanta ka furmay Hargeysa

0
875

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirweynaha qaran ee Warbaahinta dalka Somaliland, ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah uga furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynahan warbaahinta Somaliland, ayaa waxaa sannad walba soo qaban-qaabiya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Waxaana shirka ka qayb galay madax iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda, agaasimaha wasaaradda warfaafinta, hoggaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, siyaasiyiinta xisbiyada, ururrada, dallada ururrada bulshada rayidka, ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, siyaasiyiin, aqoonyahan, khubaro ku xeeldheer arrimaha saxaafadda iyo wariyeyaasha dalka.

Shirweynaha, ayaa sidoo kale waxaa ku lamaanaa abaalmarinta Cawke, taasi oo uu sannad walba qabto ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, iyadoo sannadkan si la mid ah sanadihii hore ay suxufiyiinta Somaliland ku tartamaan abaalmarinta.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Agaasimaha ururkaasi, oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay horumarrada ay gaadhay Saxaafadda Somaliland sannadihii u dambeeyey iyo caqabadaha weli jira ee u baahan in xal laga gaadho iyo weliba xadgudubyada xadhiga ee ay waajahaan suxufiyiinta dalku.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in ururka SOLJA uu 8 -sanno ee u dambeysay uu tayen ku waday Warbaahinta Somaliland.

Madaxdii iyo masuuliyiintii shirka ka qayb galay, ayaa ku nuux-nuuxsaday heerka ay Warbaahinta Somaliland xilligan marayso iyo toobiyaha ay ku socoto iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto ee ku aadan warbaahinta dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ka hadlay doorka uu ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku leeyahay barbaarinta iyo tayaynta warbaahinta.

Shirweynaha, ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo ku aadan arrimaha deegaanka, doorka saxaafadda iyo doorashooyinka iyo caqabadaha ay la kulmaan dumarka saxaafadda ku jira.

Ugu dambayntii, waxaa madasha shirweynaha abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyay saxafiyiintii ku guuleystay abaalmarinta Cawke Award oo ay tiradoodu ahayd 10 wariye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here