Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Qodobadii Lagaga Dooday

0
837

Hargaysa (HP): Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta ayaa lagaga dooday arrimaha doorashooyinka, abaaraha soo foodsaaray meelo dalka ka mid ah iyo arrimo kale.
Fadhigaasi oo noqonaya kii 71aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


Kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Ugu horrayn golaha wasiirradu waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka.
Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida inshuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta dawladdu maamusho.


Sidoo kale waxa uu goluhu go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.
Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.


Gebagebadii waxa uu goluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey.
Sidaas darteedna ay lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here