Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta oo Diiradda Lagu Saaray Nabadgelyada iyo Miisaaniyadda 2022-ka

0
1478

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fadhigii  78-aad golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayay madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Kaahin waxaa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyay la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.

Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here