Shirkadda Urban Medical West Oo Gubtay Qalabkii Loo Isticmaalay Talaalka Covid-19

0
416

Hargaysa (HP): Shirkadda Urban Medical West ayaa maanta xarumaha caafimaadka ee magaaladda Hargaysa ka ururisay qalabkii loo isticmaalay talaalka caabuqa Covid-19.
Waxaanay shirkadu si mutadawacnimo ah u fulisay qaadista iyo gubista 35 kun oo ka mid ahaa Irbadahii iyo hadhaagii talaalka Covid19.


Kaasoo wasaaradda caafimaadka Somaliland meel baydhsan ku ururisay.
Maadaama ay wada shaqayn leeyihiin wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo shirkadda Urban Medical West.
Waxaanay shirkadu qalabkaasi la isticmaalay ku gubtay meel ka baxsan caasimadda Hargaysa.
Sida uu sheegay Maxamed Aadan Gacayte, oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Urban Medical West, oo ka warbixinayay hawshaasi ay fuliyeen.

Daawo: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here