Shirkadda Somcable oo ballanqaad u samaysay Ardayda Jaamacaddaha Somaliland

0
1761

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda casriga ah ee isgaadhsiinta ee Somcable oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee dhanka Internetka ee Somaliland ka jira, ayaa ballanqaad u samaysay Ardayda waxka barta Jaamacaddaha dalka.

Cabdirisaaq Xasan Rakuub oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda Somcable, ayaa sheegay in ka shirkad ahaan ay Jaamacadaha ka caawinayaan tayeynta ardayda iyo soo saarida arday xirfado leh.

Wuxuu sheegay in shirkadda Somcable iyo Jaamacaddaha dalku ay xidhiidh wadashaqayneed oo wax is waydaarsi ay wada leeyihiin, isagoona xusay in shirkadda Somcable ay kabto Jaamacaddaha dalka oo ay siiso deeqo kala duwan oo caawimo ah.

Cabdirisaaq Rakuub, ayaa wuxuu tilmaamay in Jaamacadduhu ay shaqaalaha Shirkadda Somcable siiyaan waxbarasho, oo ay kharashka fiigana kala badh bixiyaan Jaamacaduhu, shirkaduna ay qayb ahaan bixiso.

Wuxuu sheegay inay Shirkadda Somcable ay ay qayb weyn ka tahay kobaca ballaadhan ee Jaamacaddaha dalka.

Cabdirisaaq Rakuub, ayaa wuxuu ku baaqay in uu dalka Somaliland u baahan yahay Macalimiin iyo Maamul waxbarasho dhisa aqoonta ardayda.

Wuxuuna ka dayriyay dhaqaalaha lacageed ee ay Jaamacaduhu ka qaadaan ardayda, isagoona sheegay in loo baahan yahay Jaamacad aan dhaqaalaha eegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here