Shirkadda Pharo Ventures oo Somaliland ka hirgelinaysa Beertii ugu weynayd

0
1210
The head of the Pharo Ventures Somaliland office, Mohamed Farah

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Shirkadda Pharo Ventures Maxamed Faarax Jihaad, ayaa ka waramay mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka hirgeliyeen tan wakhtigii la aasaasay shirkadda.

Agaasimaha shirkadda Pharo, ayaa waxaa uu sheegay in shirkadda Pharo ay sameeyeen muwaadiniin u dhashay reer Somaliland.

Waxaa kale oo tulmaamay in Shirkadda Pharo ay Somaliland ka hirgelisay mashaariic kala duwan oo ka dhanka dhismaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo mashaariico kale oo muuqda.

Agaasimaha Maxamed Faarax, ayaa shaaciyay in Shirkadda Pharo Ventures ay taariikhda markii ugu horreysay ay Somaliland ka hirgelinayso Beertii ugu weynayd abid ee laga sameeyo dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkadda Pharo Ventures ay Somaliland ka samaynayso Dhaam Biyoodkii ugu weynaa.

Wuxuu sheegay in ay wax ka bedelayaan nidaamkii hore loogu samayn jiray dhanka beeraha dalka, si buu yidhi ay beeruhu sannadkii u yeeshaan wax soo saar.

https://www.facebook.com/share/v/1ggV2gK2pRuaJPTe/?mibextid=oFDknk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here