Shirkada Laydhka ee HECO ayaa Bulshada reer Burco ku Haysa Tacadi aan ilaa Hada Waxba laga qaban

0
1349

burcoBurco , (HargeisaPress) — Bilihii la soo dhaafay ayay bulshada reer burco iyo kuwa togdheerba ku hayeen tacadi ka baxsan qaabka loogu adeego dadka waxaana soo shaac baxaaya inay qiimaha laydhka sare ugu dalaceen markale dadka reer burco ,Talaabooyinka waxish nimadaa ee shirkada heco ku hayso bulshada ay ku xidhatay qolka ee aan lahayn meel kale oo ay laydh u raadsadaan ayaa waxaa ka mida in ilaa iyo intii ay dadka u shurakoobeen ay kula kacayeen tacadiyo ka dhan ah macmiisha sharafta leh ee reer burco oo soo noqnoqtay.
Arimaha aan macquulka ahayn ee ay bulshada reer burco ku hayaan shirkada laydhka heco ee dhiig miiratada ayaa waxaa ka mida in xaafadaha magaalada burco kala badh laga jaro markaliya laydhka marka ay lacagtu wakhtigeeda dhaafto , waxaana ka mida in aan wax digniina am warqada oo macmiisha loo soo diraa aanay jirin lakiin loo adeegsado qaab jaahil nimo ah oo inta dibjir biro sita oo shirkada heco u shaqeeyo loo diro meheradaha iyo xaafadaha lagu soo amro in laga jaro laydhka.
Xiliyada qaar ayaa waxaa dhacda in sakado dhan oo magaalada burco ah ay ka jaraan laydhka sababo aan ilaa hada lagaran karin waxa ku kalifa iyo kibirka ay ku hayaan bulshada reer burco ee dulqaadka badan.
Shirkada heco ayaa waxaa isugu yimi mishiino u shuraakoobay shacabka reer burco kuwaas oo sida ay donaan ka yeela mana jirto cid aan saxafada ahayn oo bulshada u dooda ama dhex u ah shirkada heco ee ku haysa tacadiga qaawan dadwaynaha reer burco ee aadka u fiican oo muujiyay dulqaad wayn”.
Waxyaalaha lala yaabo ee shirkada heco ku kacdo ayaa waxaa ka mida inay bisha ramadaan masaajidadii iyo xaafadaha qaar ay ka jarto laydhkii yagoona aan u sheegin wax digniin ah iyo qaabka wax u khaldameen waxaana loo soo diraa shaqaale aan aqoon u lahayn macmiisha oo inta ay albaabka sidii faqashta xoog u garacaan kaga sasiya ciyaalka iyo dumarka kadibna aflagaadeya kana jara laydhka.,waxayna ugu jawaaban marka dadku waydiiyo maxaad dhacay ha nawaydiin ee tag qolka heco ee dadka lagu aflagaadeeyo.
Isku soo wada duudubo waxaa loo baahan yahay in si degdeg ah xukumadu soo gaadhsiisop laydh dad aqoon u lahi hagayaan soona dhamayso laydhkii ay ku balan qaaday markii ay xukumada kulmiye ku jirtay olalaha doorashada ee ahaa in itoobiya laga soo galin doona dalka somaliland laydh bulshada u sahla arimo badan oo hada ay la dhuttinayaan shacabka reer burco oo dhulka hoostiisa mara?.
Dhinaca kalena waxaanu isku daynay inaanu wax ka waydiino cabashada soo noqnoqtay ee shacabka masuuliyiinta shirkada heco wayna naga qaban waayeen telefoonadoodii gacanta.
Ugu danbayntii hadii shirkada laydhka ee heco ay dhaqan xumadan iyo adeegan aadka u liita ka dayn waydo bushada reer burco waxaa dhici doona in qof waliba ka codsado in aan wax waayir ahi dul mari karin guryahooda iyo dariiqyadooda soona iibsadaan soolarka laydhka iyo mishiino ay ku sugaan inta ay helayaan laydhka fiican ee dalka somaliland dhawaan laga hirgalinaayo oo bulshada reer burco aad ugu baahantahay.

 

Burco/Office

Maxamed Xassan-Weriye Madaxbanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here