Shirkada Adeega Internetka Ee SO!sogasho Oo Macaamiisheeda Ugu Bushaaraysay Qiimo Dhimis Ay Ku Samaysay Adeega 4G

0
1195

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada Adeega Internetka ee SO!sogasho Powered By Somcable  ayaa shaacisay qiimo dhimis balaadhan oo ay ku samaysay adeega  casriga ah 4G.

 

Shirkada ayaa macaamiisheeda ugu bushaaraysay  inay ka faa,iidaystaan qiimo dhimistaasi, waxaanay shirkadu baahisay in guud ahaan xarumaha shirkada laga helo doono adeega 4G iyo qiimo dhimista lagu sameeyey.

somca

Madaxa suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkada SO!sogasho Xamse Gaaxnuug  ayaa  qiimo dhimista lagu sameeyey adeega 4G ka sheegay munaasibad balaadhan oo kulmisay qurba joogta dalka iyo madaxda dawlada oo ka dhacday magaalada Hargeysa, waxaanu bulshada ugu bushaareeyey qiimo dhimista ay shirkadu  ku samaysay adeegaasi, waxaanu sidoo kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyey muhiimada  uu bulshada somaliland u leeyahay xadhiga Fiber Optic-ga  kaas oo uu tilmaamay in lagaga baxay baahida dhinaca adeega Internetka ee shacabka Somaliland haysay, isaga oo bulshadana ku war geliyey inay xarumaha shirkada ka heli karaan dhamaanba adeegyada Internetka ee ay u baahan yihiin.

Madaxa suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkada SO!sogasho Xamse Gaaxnuug
Madaxa suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkada SO!sogasho Xamse Gaaxnuug

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here