Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Biyaha Somaliland Siciid Axmed Jibriil, ayaa kulan ka yeeshay sidii loo hagaajin lahaa maamulka wakaaladaha biyaha Gabiley iyo Tog-Wajaale.
Shirkaasi oo ay al-baabadu u xidhnaayeen oo maanta ka dhacay magaaladda Gabiley ayay u jeedadiisu ahayd mid lagu saxayay maamul toosinta wakaaladaha biyaha Gabiley iyo Tog-wajaale.
Badhasaabka iyo wasiir ku-xigeenka waxaa kulankaasi ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Case, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale, iyo saraakiil ka socday wasaaradda biyaha Somaliland.
Sidoo kale waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa isku-duwaha wasaaradda Biyaha ee gobolka Gabiley, iyo maareeyeyaasha wakaaladaha biyaha Gabiley iyo Tog-Wajaale.
Shirkaasi ayaa lagu kala qaatay balan iyo waajibaad shaqo, iyadoo dhinacyadu ya isla af-garteen in si buuxda loo wada shaqeeyo.
Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo madaxdii iyo masuuliyiintii shirkaasi ka soo qayb galay uga mahad celiyay wada shaqaynta la isla qaatay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.