Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Oo Dejinaya Qorshaha Shanta Sanno

0
446

Hargaysa (HP): Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland ayaa muddo laba maalmood ah ku hawlanaa sidii ay u dejin lahaayeen Istiraatiijad uu ku shaqeeyo shanta sanno ee soo socda (2022 – 2026-ka.
Komishanku iyagoo ka duulaya waajibaadkiisa qaran og-soon na muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe cad si looga dhabeeyo ilaalinta iyo kor-u-qaadidda xuquuqda aadamaha dalka.

Mudadda labadda maalmood ah ee uu socdo kulankaasi ayuu komishanku soo bandhigi doonaa meelaha shanta sanno ee soo socda ay diiradda saari doonaan iyo sida ay u kala hor-marin doonaan hawl-gallada iyo qorsheyaasha la fulin doono muddadaasi.


Geesta kale, komishanku isaga oo garwaaqsan himilada iyo hiigsiga qarankeenna, kana duulaya sidii istiraatiijiyaddani u noqon lahayd mid waafaqsan qorshaha qaranka ee 3aad.

Wuxuu ku jaan-goyn doonaa in uu muhiimadda siiyo sidii Komishanku uu doorkiisa uga qaadan lahaa ka dhabaynta yoolka qaranka ee ku aaddan ilaalinta iyo kor-u-qaadidda xuquuqda aadamaha dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here