Shir Lagaga Hadlayey Iskaashiga Xoojinta Amniga Ee Udhaxeeya Dawlad Deeganka Ethiopia Iyo Somaliland Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Gabiley

0
1061

Gabiley, (HargeisaPress) —shir laga wada hadlayey iskaashiga iyo xoojinta amniga ee udhaxeeya gobalada m/jeex iyo gabiley iyo dawlad deeganka somaalida ethopia ayaa lagusoo gabagabeeyey hallka jaamacad tima ade ee gobalakni gabileyshirkan oo ujeedadiisu xambaarsanyahay xidhiidhka iskaashi ee amniga ee udhaxaeeye gobalada m/jeex iyo gabiley sidoo kale faafan iyo jaran hadaba xidhiidhkan iskaashi ee laba geesood ah ee labada wadan ethopia iyo s/land oo amniga ayaa   wajigii labaad ee shirka oo ay saxaafadu dibada ka joogtey ayaa masuuliiyinta gobalkani gabiley ka dib markii shirku usooo xidhmay ay kaga warbixiyeen in ujeedada shirkan labada cisho ee udhaxeeya dawlad deegan somaalida ethopia iyo gobalada m/jeex gabiley uu ahaa mid lagu iskaashiga iyo xoojinta amniga isla markaana heshiiskani horseedi doono arimo badan oo qusseeya amniga labada dhinac ay wada yeelan doonan madaama oo labada dawladoood ee ethopia iyo s/land yihiin wadaagan xuduud isla markaan mihiiim tahay in la da dar galiyo  iskaashiga xoojinta amniga hadaba masuuliinta ka socda dhinaca ethopia oo iyaguna dhinacooda tilmaamay in heshiikani ay kazoo bixi dooonan arimo badan oo lagu diirsan doono mustaqbalka fogdhinacooda

 

Hadaba waxa ugu horayn halkaasi ka Hadley wasiir dawlaha amniga qaranka oo aad u sheegay iney mihiim tahay in kor loo qaado xooojinta iyo xidhiidhka amniga ee udhaxeeya labada dawladood maadama ay ood wadaag yihiin markasta loo baahan yahay in la joogteeyo xidhiidhka nabadgalyada madaama ay geeska Africa ka jiraan xaalado amni daro loona baahan yahay in laga gaashanto xilna la iska saaro taasina ay xoojin doonto xidhiidhka ka dhaxeeya xidhiidhka nabad galyo ee gobalada m/jeex gabiley faafan iyo jaran.

 

Sidoo waxa isagunaa hadalo kooban ooo quseeya xooojinta iyo xidhiidhka amniga ay wada yeelan doonan gobaladani isna halkaasi ka sheegay maayar mahamed aamin cumar abdi oo dhinaciisaa ku sheegay inuu shirkan horseedi doona xoojinta amniga ee labada dhinac isagoo ugu waftiga ka socda dawlad deeganka ethopia.

 

Sidoo badhasaabka gobalkani gabiley hamse mahamed abdi ayaa isaguna dhinaciisa ku sheegay shirkani inuu yahay wax loo baahan ee dawlada ahaan iyo xidhiinka gobalada ay xoojin doonta si tahriibka uyaraado.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here