Nairobi (HP): Shir ku saabsan midaynta dhaqaalaha iyo ganacsiga wadamadda qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
U jeedadda shirkaasi ayaa la xidhiidhay sidii mustaqbalka dhaw loo kobcin lahaa suuq hor ah oo ganacsina loogu samayn lahaa wadamadda Afrika, oo hadda dhaqaalahoodda iyo tiradda dadkuba aad u kordhayaan.
Waxaana shirkaasi wada jir u soo qaban qaabiyay hayβadda ganacsiga bariga Afrika iyo hayβadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan dhaqaalaha Afrika.
Iyadoo shirkaasi si rasmiya loogu soo casuumay jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay ka soo qayb galeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday wadamadda bariga Afrika ee Tanzania, Uganda, Burundi, Ruwanda,Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qayb galay madax ka socotay hayβadaha iyo shirkadaha daneeya arrimaha ganacsiga ee xidhiidhka la leh wadamadan bariga Afrika.
Shirkaasi waxaa ka qayb galay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaanu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda shirkaasi iyo dulucda warbixin laga diyaariyay korodhka dhaqaalaha Afrika oo shirka laga jeediyay.
Waxaanu yidhi, βU jeedadda shirkani waxay ahayd daah-furka warbixin ay soo diyaariyeen oo ku saabsan midaynta dhaqaalaha ama ganacsiga Afrikadda bari. Kaasoo qayb ka ah mashruuc balaadhan oo beryahaaba la waday, oo ah sidii suuq xor ah looga samayn lahaa Afrika.
Warbixintaasi waxay ka hadlaysay faaβiidadda uu leeyahay haddii la mideeyo ganacsiga Afrika. Waxaana soo baxday in Afrika ay imika dad badan leedahay, ilaa 2 bilyan oo qof. Dhaqaaleheeduna 2 ilaa 3 tiriliyan oo dollar uu yahay.
Markaa haddii suuqyadaa la mideeyo in ay ka soo baxayaan faaβiidooyin badan oo ay ka mid tahay, ilaa 2 milyan oo qof oo shaqaale ah in ay ka soo baxayaanβ.
Waxa kaloo wasiir Sacad, oo ka hadlay hayβadaha soo qaban qaabiyay shirka iyo wadamadda ka soo qayb galay.
βWaxaanu ka qayb galnay shir ay soo qaban qaabiyeen laba hayβadood. Hayβadda Trade Mark iyo hayβadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan dhaqaalaha Afrika.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay dawlado fara badan oo ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Brundi, Conga-da domoqraadiga ah, Kenya, iyo Tanzania.
Geesta kale waxa shirkan lagu falan qeeyay sidii mustaqbalka dhaw ganacsiga wadamada Afrika oo dhan la isugu xidhi lahaa, isla markaana loo fududayn lahaa cashuuraha faraha badan ee cidhiidhiga geliyay isku socodka ganacsiga wadamadda Afrika.
Sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, waxaanu yidhi, βShirkani wuxuu la xidhiidhay sidii Afrika ganascigeedda la isugu xidhi lahaa. Kaasoo imika ganacsiga Afrika uu imika kala filiqsan yahay. Iyadoo la khafiifinayo cashuuraha faraha badan ee cidhiidhiga geliyay isku socodka ganacsiga Afrika.
Si mustaqablka dhaw ama wakhti cayiman ay Afrika u noqoto wadamo ganacsigoodu isuku furan yahay, sida wadamadda midawga Yurub oo kaleβayuu yidhi wasiir Saajin.
Weftiga Somaliland oo uu hogaaminaya wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaa ku wehelinaya wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamud Xasan Sacad (Saajin).
Wasiirka gaadiidka iyo jidadka C/laahi Abokor, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim iyo mareeyaha hayβadda tayadda Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.