Shiinaha oo ka cadhooday taageeradii Congress-ku u muujiyay Somaliland iyo Taiwan

0
1651

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Shiinaha, ayaa waxaa ay cadho xoogan ka muujisey hadalkii ka soo baxay xubin ka tirsan aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ee taageerada loogu muujiyay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Xubinta ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Mareykanka, ayaa waxaa uu sidoo kale duray iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika.

Afhayeen u hadlay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa ku andacooday in Taiwan ay si gaar ah u faragelinayso arrimaha Soomaaliya, iyadoo xidhiidh la samaynaysa Somaliland.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkaasi ay dhaawac weyn u geysanayaan midnimada iyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed, sida uu ku dooday.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa ku doodaya in Shiinuhu uu si wadajir ah ula shaqayn doono Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in iskaashiga uu Shiinuhu la leeyahay Afrika uu ku dhisan yahay ixtiraam labada dhinac ah, faa’ido wadaag iyo saaxiibtinimo dhab ah.

Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in iskaashiga Shiinuhu uu faa’iidooyin muuqda u keenay dadka Afrikaanka ah, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhiso bulsho wadajir ah oo ka dhaxaysa Shiinaha iyo Afrika.

Afhayeenka, ayaa sheegay in qorshe kasta oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika aanu waxba ka badali doonin iskaashiga iyo midnimada labada dhinac, sida uu ku andacooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here