Sheekh Mustafe: “Saxaafadu Waxay Ilaaween Akhlaaqdii Ay Lahaayeen”

0
1198

Hargeysa (Hargeisa Press) – Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, ayaa sheegay in saxaafadu ilaaween akhlaaqiyaadkii ay lahaayeen, isla markaana waxuu sheegay inaan war kasta oo dhaca loo baahnayn in la sheego ama ummadda loo baahiyo.

Muuqaal kooban oo Sheekh Mustafe kaga hadlayey saxaafadda iyo sida loo baahan yahay in saxaafadu u shaqeyso, xilli uu muxaadaro u jeedinayey bulshada Dalka Koonfur Afrika degan ayaa yidhi, “Saxaafaadku waxay ilaaween akhlaaqiyaadkii ay lahaayeen. Waxuuna sheegay in Nebigu CSW ka digay sheegitaanka wax walba oo uu maqlo, waxaanu yidhi, ‘Nebigu CSW waxuu ku tilmaamay qofka dhegahiisa iyo afkiisa isku daloolaan inay kadaabiin (Beenaalayaal) yihiin.”

Sheekh Mustafe ayaa u soo jeediyey dadka saxaafada ku jira inaan wax kasta oo ay arkaan, ama maqlaan aan la sheegin, isla markaana saxaafadu aanay ahayn in wax kasta oo la maqlo la sheego., waxaanu yidhi, “Saxaafadu waa inaad waxii ummada islaaxinaya ee kheyr ugu jiro aad sheegto, aakhiro waa lagu weydiinayaa.”

Waxuu sheekh Mustafe uga digay dadka warbaahinta ku jira ee qod-qoda dadka, si ay uga helaan erey ay hadalkiisa ku xumeeyaan, kuna tilaamay inaanu ahayn akhlaaqda saxaafadda. “Shabaabka dambe ee mareegaha qora, waxay ku qoraan qol idinku xiga, oo Johannesburg ku yaala.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here