Shaqaalaha Dowladda oo Loo Qabanayo Tartan Ciyaareed Kubbadda Cagta Ah

0
317

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha Somaliland iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, ayaa kulan ka yeeshay qabashadda tartan ciyaareed Kubbadda Cagta ah oo dhex mari doona kooxo ka kala socda shaqaalaha dhamaanba wasaarradaha iyo hay’adaha dawliga ee Somaliland.

Kulankaasi oo maanta ka qabsoomay xarunta haayada shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha JSL C/rashiid Caydiid Yaasiin, iyo guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax, hogaanka xidhiidhka ciyaaraha Kubbadda Cagta ee wasaaradda Ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka qayb galay xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda shaqaalaha ee wasaarradaha, iyo haayadaha dawliga ah ee hoos yimaadda haayadda shaqaalaha dawladda.


Kulankani oo ay u jeedadiisu ahayd xog waraysi la xidhiidha sidii dhawaan loo baali lahaa tartan ciyaareed Kubbada Cagta ah oo dhex mari doona kooxo kala metelaya wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda.

Waxaana tartankaasi iska kaashanaya haayadda shaqaalaha dawladda JSL, iyo wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha Somaliland.


Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo faah-faahin ka bixinayay kulankaasi, iyo tartan ciyaareedkaasi la qaban doono.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, waxa uu sheegay in tartan ciyaareedkaasi hal-ku-dheg looga dhigay (Shaqaalaha caafimaadka qaba, ayaa shaqo caafimaad qabta na qabta),

Waxaanu tilmaamay agaasimuhu in tartankani uu yahay mid saxaiibtinimo, oo lagu quwaynayo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan shaqaalaha dawladu.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa ku adkeeyay agaasime waaxeedyadda cududda shaqaalaha ee wasaareadaha, iyo haayadaha dawladda in ay arrinta tartankaasi xil weyn iska saartaan, isla markaana ay fuliyaan.

Dhankiisa guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay qabashadda tartan ciyaareedkaasi.

Isagoona sheegay in tartankaasi uu keeni doono is-dhex gal, iyo fir-fircooni, iyo is-barasho cusub oo hor leh oo dhex marra shaqaale weynaha wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda.

Khaalid Jaamac Qodax, ayaa tilmaamay in tallaabadaasi ay hor seedi doonta in ay fududaato, isla markaana ay kor u qaadi doonto isku xidhka, iyo wada shaqaynta wasaarrdaha, iyo haayadaha dawladda.


Gebagebadii kulankaasi waxaa la isla qaatay in tartankaasi la bilaabi doono dabayaaqada bishan August, iyadoo halkaasi agaasimaha waaxda ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf Xasan, uu ku soo bandhigay shuruudaha iyo sharciyadda tartankaasi lagu maamuli doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here