Shacabka Turkiga oo U Dabaal-degaya Sannad-guuradii 100aad Ee Maalinta Xoriyadda

0
452

Ankara (Hargeisa Press)- Shacabka dalka Turkiga, ayaa maanta u dabaal-degaya sannad-guuradii 100aad ee maalinta Xoriyadda ee dalkooda.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa dhambaal u diray shacabka dalkiisa xuska 100 -guuradii ka soo wareegtay maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Boqol sano ka hor oo ku beegnayd 29 Oct, 1923, ayaa dalka Turkiga waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay jamhuuriyad madax banaan, waxaana xuska maalinta jamhuuriyadda dalkaasi oo dhan ka dhici doona maanta oo Axadda ah xaflado, dhoolatus iyo munaasabado kale.

Taariikhda Maalinta Jamhuuriyada Turkiga oo ka soo bilaabanta Turkidii Cusmaaniyiinta markii ugu horreysay ee ay soo shaac baxeen horraantii qarnigii 13aad ee Anatolia iyaga oo hoos geeyey qabaa’ilka Turkiga iyo Mongoliyaanka. Iyaga oo ka soo horjeeda xudduudda bari ee Byzantium, boqortooyadoodu waxay bilowday inay ku faafto gobolka oo dhan.

Shiine Cilmi Kaahin

HargeisaPress

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here