Shacabka Deegaanka Soomaalida oo Digniin Loo Diray

0
1488

Jigjiga (Hargeisa Press) – Xafiiska maareynta iyo khataraha masiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa uga digay bulshada DDS saamaynta ay ku yeelan karaan roobab xooggan oo ka da’aya dhulka jooggiisu sarreeyo ee dalka Itoobiya.

Agaasimaha waaxda Digniinta hore iyo Jawaab-celinta ee Xafiiska maaraynta iyo khataraha Masiibooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Maxammed Cabdinuur Sayid oo war-baahinta la hadlay, ayaa bulshada Deegaanka uga digay saamaynta ay ku yeelan karaan roobab xooggan oo ka da’aya dhulka jooggiisu sarreeyo.

Agaasimaha, ayaa waxaa uu sheegay in saadaashu sheegayso in daadad xooggan ay ku soo wajahan yihiin goobaha biyo-mareennada ee dhulka jooggiisu hooseeyo ah.

Sidoo kale, wuxuu digniin culus u diray bulshada ku nool goobaha ka ag-dhow webiyada, togogga iyo dooxooyinka, wuxuuna ugu baaqay in ay ka baxaan, kana diyaar-garoobaan si naftooda iyo maalkooda uga bad-baadiyaan khasaaraha ka dhalan kara.

Roobabkan, ayaa la sheegayaa in ay ku barakici karaan dal ahaan dad gaadhaya 1 milyan oo qof, halka deegaan ahaanna laga cabsi qabo in uu barakiciyo dad kor u dhaafaya 500,000 oo kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here