Saylici Oo Ka Qayb galay Arday Ka Qalin Jebiyay Jaamacadxa New Generation

0
152

Hargeisa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay qalin jabinta dufcadii 11-aad eek a baxda Jaamacada New Generation.

Munaasibada Qalinjabinta loo sameeyay ardayda ka baxday Jaamacada New Generation, waxa ka qayb galay bahada waxbarashada, waaliinta, ardayda qalinjabisay, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenku waxa waxa uu hanbalyeeyay ardayda qalinjabisay, waalidiinta dhashayna waxa ku ammaanay wakhtiga ay galiyeen iyo dadaalkii ay ku soo bixiyeen, waxaanu ardayda faray inay qayb ka noqdaan dadka dhisaya mustaqbalka dalka.

Masuuliyiinta Jaamacada New Generation ayaa ardayda ugu hanbalyeeyay guusha ay gaadheen, waxaanay kula dardaarmeen in aqoontii ay barteen ay bulshada dib ugu celiyaan.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardayda ka baxday Jaamacada New Generation, oo sannadkasta soo saarta arday wax ka barata Kuuliyada kala duwan ee Jaamacada.

DAAWO: Khudbadds C/raxmaan Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here