Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen xubno ka socday Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland iyo hoggaanka sare ee ururka SOLJA, ayaa maanta ka dhacay xarunta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray doodo ay billowday warbaahinta madaxa-bannaan oo ku saabsan cadaadisyo kala duwan oo ay kala kulmaan dowladda, arrimo saameyn weyn ku leh xorriyadda saxaafadda iyo shaqada suxufiyiinta.
Qoraal rasmi ah oo saxaafaddu u gudbisay ururka SOLJA, ayaa ka kooban cabashooyin sharci oo faahfaahsan, kuwaas oo muujinaya ku xad-gudubka Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.
Qoraalka ayaa lagu qoray qodobadan muhiimka ah:
Cabashada ka timid Warbaahinta Madaxa Banaan:
Xadhigga aan sharciga ahayn: Inta ay dowladda hadda jirto, waxaa xabsiga la dhigay 16 wariye, halka qaar kalena ay dalka isaga carareen. Xadhigaasi waxa uu u dhacaa hab aan waafaqsanayn shuruucda dalka.
Xayiraadda Warbaahintu Goobaha Shirarka Saxaafaddu ka dhacayso waxaa laga ilaaliyaa inay Warbaahintu ku qabato Hoteellada. Amarka dowladda ee soo rogaya xayiraadahan waxay ka dhigan tahay xad-gudub gebi ahaanba ka dhan ah xorriyadda ganacsiga iyo xorriyadda hadalka.
Caqabad ku ah Helitaanka Macluumaadka & Xogta Dawladda . Saxaafaddu ma hesho xogta ay uga baahan tahay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Waaxyaha dowladda ayaa albaabada loo laabay, waxaana meesha ka baxay ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa in wariyeyaasha ay helaan xogta muhiimka ah.
Handadaada iyo Weerarada ka dhanka ah Saxafiyiinta: Hanjabaadaha taleefoonada ee lagu beegsanayo saxafiyiinta waa ay sii kordhayaan, taasoo xadideysa xoriyada saxaafada iyo xoriyada ra’yiga.
Xadgudubyada ka dhanka ah warbaahinta: Xadgudubyada kale ee sida tooska ah ay dowladdu u geysato waxaa ka mid ah ku xad-gudubyada xuquuqda abaabulka, qaybinta, helitaanka iyo faafinta wararka. Waxaa xusid mudan, wariye Yaasir Axmed Cabdilaahi loo xidhay ururinta iyo daabacaadda xog dhab ah.
Ururka SOLJA waxa uu si mug leh u dhegaystay doodaha saxaafadda, waxaanu ballan-qaaday.
* Difaac xuquuqda saxafiyiinta.
* In la xoojiyo dadaallada lagu dhowrayo Dastuurka iyo xorriyadda hadalka.
* Si xooggan ula xidhiidha hay’adaha dowladda si xal degdeg ah loogu helo cabashooyinka jira.
-
Ururku waxa uu si deg deg ah ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Hay’adaha amniga in ay si degdeg ah u xaliyaan cabashooyinkaas si loo xoojiyo dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka Somaliland.