Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa maanta magaaladda Berbera ka furay shir ay yeelanayaan safiirradda jamhuuriyadda Somaliland u kala jooga dalalka caalamka.
Ujeeddada hindisahan tababbarku waa in loo arko in siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay fursad iskaashi iyo aasaaska lagu dhisayo aasaaska iskaashi shaqo oo ku saabsan arrimaha caalamiga ah.
Waxaana shirkan oo ah dood-cilmiyeedka tababarka diblomaasiyadda ee Somaliland ka soo qayb galay safiirrada Somaliland u kala jooga dalalka dibadda, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciisa Kayd.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Cabdinaasir Cumar Jaamac, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda, maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera, maareeyaha dekadaha Somaliland, iyo xubno hore xilal danjirenimo uga soo qabtay Somaliland.
Dr. Ciisa Kayd, oo si rasmiya u furay tababarkaasi oo soconaya muddo todoba maalmood ah ayaa ku boorinayay safiirradda in ay qaabilaan cid kasta iyo dal kasta oo ay danni ugu jirto Somaliland shuruud la’aan.
Waxaanu sheegay in keliya waa in ay dalwadu idin la og tahay, sidoo kale dalkaasi ama cidaasi jiritaankeenna ogol yahay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.