Sacuudiga oo Soo Saaray Shuruudo La Xidhiidha Xajka Sanadkan

0
776

Riyadh (Hargeisa Press) – Dowladda Sacuudiga, ayaa sanadkan ogolaatay in laga soo Xaji karo dal iyo dibadba, iyadoo dhanka kalena aad u xadiday tirada gudan karta acmaasha Xajka.

Wasaaradda Xajka, ayaa soo rogtay in lixdan kun oo Xaaji ay soo xaji doonaan dal iyo dibadba (10 kun gudaha iyo 50 kun oo dibadda ah).

Bayaanka Wasaaradda Xajka laguma sheegin qoondada la siiyay dowlad walba, waxaana arrintaasi wadatashi ka leh Wasaaradaha Xajka, Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

Shuruudaha la soo rogay waxaa qayb ka ah in dadka soo xajaya ay tahay inay da’dooda u dhaxayso 18 illaa 60 jir.

Sidoo kale, dadka soo xajaya, ayaa shuruud lagaga dhigay inay xaqiijiyaan qaadashada wejiga hore iyo kan labaad ee tallaalka COVID-19, ayna hore u soo qaataan warqad caafimaad oo caddeynaysa inaanu qofka qabin xanuunka, waxaana intaasi dheer saddex cisho oo ay boqortooyadu karantiili doonto, iyadoona ujeedku yahay xaqiijinta badqabka xujeyda.

Xukuumadda Riyadh, ayaa xadiday goobaha ay xujaydu deggi karaan, waxaana jira hoteelo cayiman oo ay isla ogolaadeen Wasaaradaha Xajka, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

Sacuudiga, ayaa sanadkii 2020 Xajka u ogolaatay toban kun oo qof, kuwaa oo dhammaantood ka soo xajay gudaha dalkaasi. Kun ka mid ah dadkaasi ayaa u dhashay Sacuudiga, halka inta kalena ay metelayeen wadamada kale ee Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here