Sacuudiga oo joojiyay in la booqdo Xarameynka

0
549

Shacabka Sacuudiga ayaa laga mamnuucay inay kusoo cumreystaan Xaramka cabsida laga qabo faafidda cudurka Corona awgii, sida ay sheegtay dowladda Boqortooyada.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in go’aanka muwaadiniinta dalkaas looga mamnuucay cumrada uu yahay mid kumeelgaar ah.

Dowladda Sucuudiga waxay sidoo kale mamnuucday in booqasho lagu tego masjidka Nebiga ee ku yaal magaalada Madiina.

Dhawaan ayay aheyd markii Sacuudiga uu Muslimiinta dibadda ka imanaya ka mamnuucay cumrada si looga hortaggo caabuqa Corona.

Isniintii ayay aheyd markii Sacuudiga uu shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee u ka dhacay cudurka Corona oo lagu arkay dalkaas, qofkaas ayaa ah muwaadin ka soo laabtay dhinaca Iiraan.

Go’aanka lama filaanka ah ee kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa wuxuu walaac ku abuuray malaayin Muslimiin ah oo ku rajo weyn inay soo xajiyaan sanadkan.

Malaayin Muslimiin ah ayaa Sacuudiga gaara bisha Ramadaan si ay uga soo cumreystaan goobaha barakaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here