Saameynta Biyo-xidheenka Ethiopia oo Aan Noqon Sidii La Filayay

0
665

Khartoum (Hargeisa Press) – Biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan.

Ethiopia, ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xidheenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webigu maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaadha.

Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaadho, waxaana weli biyo-xidheenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal.

Sudan, ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xidheenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajeyneysay inay ka faa’iideysato korontada laga dhalinayo, hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xidhiidha holwgalka biyo-xidheenka oo ayna ka helin Ethiopia.

“Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xidheenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase yeeshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xidheenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay inay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” waxaa sidaas yidhi Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

Ethiopia, ayaa biyo-xidheenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saarista awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay maanta ku hayneyso danaha dalalka kale uu maro marka ay howl-gelienyso.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here