Ruushka oo u digay Mareykanka, kadib weerarkii Crimea

0
568
Moscow (Hargeisa Press)- Kremlin-ka, ayaa Isniinta maanta ah uga digay Mareykanka “cawaaqib” waxayna u yeedhay safiirkeeda, maalin kadib markii Moscow ay sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay gantaal Mareykanka sameeyey uu afar qof ku dilay Crimea.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, ayaa ku tilmaamay weerarka Sevastopol “wuxuushnimo,” wuxuuna ku eedeeyay Washington “inay dishay carruur Ruush ah.”

Laba ka mid ah dhibanayaasha, ayaa ahaa da’yar.

Peskov, ayaa tilmaamay hadallo ka soo baxay madaxweyne Vladimir Putin horraantii bishan oo ku saabsanaa hubeynta waddamo ay suurtagal tahay in ay weerarro ku qaadaan bartilmaameedyada Reer Galbeedka.

“Ku lug lahaanshaha Mareykanka, ku lug lahaanshaha tooska ah, oo horseeday dilka shacab Ruush ah, ma noqon karto cawaaqib la’aan,” Peskov ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta.

“Wakhtiga ayaa sheegi doona waxa ay noqon doonaan,” ayuu yidhi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in ay u yeedhatay ergayga Mareykanka Lynne Tracy Isniintii.

Bayaan ay goor dambe soo saartay ayey ku sheegtay in Washington “ay Kyiv la xambaareyso mas’uuliyadda dilalkan” islamarkaana weerarka aanu noqon doonin “mid aan la ciqaabin”.

Ruushka, ayaa sheegay in weerarkii Axadii lagu qaaday magaalada Sevastopol loo adeegsaday gantaalka ATACMS ee uu Mareykanka siiyay Ukraine.

Saraakiisha maxalliga ah ee ay magacowday Moscow, ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah magaalada dekadda ah oo leh xeebo iyo huteello.

Kulan uu bishan la yeeshay wakaaladaha wararka caalamiga ah oo ay ku jirto AFP, Putin waxa uu dhaleeceeyay hubka riddada dheer ee reer galbeedka ay geeyeen Ukraine.

“Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hub nocaas ah la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro oo dhibaato na loo abuuro, maxaa noo diidaya in aan hub la mid ah aan gaadhsiino gobolo ka mid ah caalamka oo ay ka dhici doonaan weeraro ka dhan ah xarumaha xasaasiga ah ee wadamadaas (galbeedka)?” ayuu yidhi Putin.

“Taasi waa, jawaabtu waxay noqon kartaa mid aan sinneyn. Waan ka fikiri doonnaa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Peskov, ayaa sidoo kale dib ugu celiyay hadallada Putin ee ah in xogta bartilmaameedyada ay weerartay Ukraine ay bixiyeen waddamada reer galbeedka.

Crimea, ayaa waxaa goostay oo ku darsaday Ruushka 2014-kii.
Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa Isniintii yidhi: “Crimea waa Ukraine”.

“Ruushka waa inuu ka baxaa jasiirad u yaalka. Ciidankooda iyo agabkooda milateri ee halkaas ku sugan waa inay meesha ka baxaan,” ayuu ku yidhi baraha bulshada.

Kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa sidoo kale soo jeediyay in Crimea ay tahay bartilmaameed milateri oo sharci ah.

“Crimea sidoo kale waa xero milateri oo weyn iyo bakhaar, oo ay ku yaalaan boqolaal bartilmaameed millateri oo toos ah, kuwaas oo Ruushku ay isku dayayaan inay qariyaan oo ay ku hoos qariyaan shacabkooda,” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here