Ruushka oo Ka Digay Dagaal La Isku Adeegsado Hubka Nukliyeerka

0
564

Moscow (Hargeisa Press) – Nin ay isku dhow yihiin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in hubka culus ee la siiyay Kyiv ay khatar gelineyso dhulka Ruushka, taasi oo horseedi doonta musiibo caalami ah.

Waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ka dhigi doonto doodaha ka dhanka ah isticmaalka hubka wax gumaada ee Nukliyeerka kuwo daciif ah.

Vyacheslav Volodin, oo ah Afhayeenka aqalba hoose ee Baarlamaanka Ruushka ee loo yaqaan Duma, ayaa ka digay in taageerada Mareykanka iyo NATO ee Ukraine ay dunida u horseedeyso dagaal xun.

“Haddii Washington iyo dalalka NATO ay geeyaan hub loo isticmaali doono in lagu weeraro magaalooyinkeenna, ayna isku dayaan in ay qabsadaan dhulkeenna, sida ay ku hanjabeen, tani waxa ay horseedi doontaa tallaabooyin aargoosi ah iyadoo la isticmaalayo hubka aadka u xoogga badan,” ayuu Volodin ku sheegay App-ka farriimaha lagu wadaago ee Telegram-ka.

Waxa uu sheegay in doodaha ku saabsan in quwadaha Nukliyeerka ayna hore hubka wax gumaada ugu adeegsan colaadaha maxalliga ah ay yihiin kuwa hadda meesha ka baxaya, isaga oo sababtana ku sheegay in dowladahaasi ayna wajihin xaalad khatar gelineysa amniga muwaadiniintooda iyo midnimada dhuleed ee dalka, sida uu yidhi.

LEAVE A REPLY