RUNTU MA FANTAA? XISBIYADA MUCAARADKA AH WAXAY DANTOODU KU JIRTAA DOORASHADA OO LA QABTO!!!

0
720

Waxaybu ognahay in xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadu muddo laba sano ku dhaw isku hayeen arrimahan:

In Komishankii hore la kala diro
– In tirada Komishanka cusub 9 laga dhigo
– In mayee horta 7 lagu galo doorashada
– In arrinta Baarlamaanka loo daayo oo ay iyagu ansixiyaan

Lakin xisbiyada mucaaradka ahi waxay ilaabeen ama indhaha ka laliyeen arrimahan:

1.Inay dalka weli Xeer-dejin u yihiin Baarlamaan 14 sano joogay oo 9 sano oo ka mid ah sharci darro ku fadhiyay, inay sii joogaana doonaya, kuwaas oo haba yaraatee aan diyaar u ahayn inay ummadan Xeerar noloshooda wax ka bedela u curiyaan ama xukuumada la xisaabtamaan maadaamad ay 75% ay Kulmiye yihiin.

2.Inay dalka ka jiraan Golayaal Deegaan oo 7 sano joogay oo 2 sano oo ka mid ah sharci darro ku fadhiya, qiil iyo sharci u banneeyayna aanu jirin kuwaas oo intooda badan dayro laga joogo waxqabadkooda deegaamadii doortayna ay gacmo madhan ka joogaan.

3.Inay dalka ka jiraan Gole Guurti oo 20 sano joogay kuwaas oo hilinkii iyo hadafkii loo aasaasay baal marsan ahna qaar lagu hungoobay oo aan diyaar u ahayn inay dalka ka saaraan xaaladaha cakiran ee uu ku jiro.

Hadaba maadaama ay intaasi jirto dalkuna u baahanyahay dhiig cusub oo 3da Gole ee aynu kor ku sheegnay ah waxa la filayay inay mucaaradku fahmaan waxa iyaga dantoodu ku jirto iyo talada qumman ee ummadu ka sugayso oo ku salaysan doorasho keenta isbedel siyaasadeed iyo waxqabad.

Waxanad moodaa inay keliya arkaan sawirka yar ee hortooda yaala ee ah ha u jilcina xukuumada iyo iska caabin iyo mucaarida wax kasta oo xukuumadu la timaado. Taas oo keentay inay lumiyaan fursadihii iyo hadafkii waynaa ee ay isbedel ku keeni lahaayeen.

Gunaanadkii waxa looga baahanyahay mucaaradku inay wax ku qaataan sidii Golaha Wakiiladu salaasadii (12/11/2019) u ansixyeen Xubnihii Komishanka cusub loogu joojin waayay. Hadaba waxan kula tali lahaa mucaaradku inay qaataan halhayskii ahaa “If you can’t beat them join them” micnaha hadaad ka adkaan waydo ku raac. Taas oo ah maxsuulka ayaa dani ugu jirtaa mucaaradka ee ha yeelaan Komishanka cusub hana ka hawl galaan sidii ay dad wanaagsan oo daacad ah oo bisil ugu soo saari lahaydeen doorashooyinka soo scoda si ay meesha uga baxaan golayaashan lagu hungoobay!!!

Fadlan fekerkaaga uga dhiibo si aqoon leh.
Somaliland Guul!!!
Aadanweli Ismail

Aadanweli Ismail (aadanweli)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here