Roob dabeylo watay oo dad ku dilay Magaalada Boorama

0
1262

Boorama (Hargeisa Press)- Roob dabaylo xoogan watay, ayaa ka da’ay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo sababay khasaare kala duwan oo ay dhimasho ku jirto.

Roobka, ayaa sidoo kale waxyeello gaadhsiiyay meelo ay ka mid tahay xarunta Jaamacadda Camuud.

Waxaana la sheegay in uu khasaare wayn soo gaadhsiiyay Hoolka qalin-jebinta ee Jaamacadda, taasi oo ka dul qaaday gebi ahaanba saqafkii sare.

Inta la xaqiijiyay Hal Qof, ayaa ku geeriyooday roobka dabaylaha watay oo shalay ka da’ay magaalada iyo hareeraheeda.

Qofka geeriyooday, ayaa la sheegay in uu ku soo dhacay mid ka mid ah Biraha laydhka ee ay leeyihiin shirkaddaha isgaadhsiintu.

Maydka marxuumka, ayaa la sheegay in uu yaallo cisbitaalka guud ee magaalada Boorama, sida ay noo xaqiiniyeen saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala cisbitaalka.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa muujinaya marxuumka geeriyooday oo ay ku dhacayso bir kuwa laydhka ah, isagoo lugaynaya jid laami ah oo magaalada ku dhexyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here