Ramaax oo Sheegay In Somaliland Ceeb Ka Dhaxashay Kulankii Madaxweyne Biixi La Yeeshay Wasiirada Somaliya

0
773

Berbera (Hargeisa Press)- Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si adag uga hadley kulankii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Xajka kula yeeshay Wasiiradii ka socday Soomaaliya.

Ramaax ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu cadeeyo mawqifka uu ka lahaa kulankaasi uu la yeeshay xubnaha wasiirada Soomaaliya, Isagoona Madaxweynaha ugu baaqay inuu raali gelin ka siiyo kulankaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa kulan aan u qalmin meeqaamka Somaliland oo uu meelkadhac ku ahaa.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here