Qorshaha Horumarinta Degmadda Laascaanood Oo La Daah-furay

0
457

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool iyo maayarka Laascaanood ayaa maanta si wada jir ah u daah furay qorshaha horumarinta magaaladda Laascaanood ee shanta sanadood ee soo socday.


Waxaanu mashruucaasi noqonaya mid la doonayo in lahu hago qorshaha horumarinta magaaladda Laascaanood mudadda shanta sanadood ah ee soo socota.
Furitaanka mashruucani waxaa waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, maayar ku-xigeenka Laascaanood, iyo saraakiil ka socday wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.


Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo hadal ka jeediya furitaanka qorshaha horumarinta Laascaanood ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta dawladda hoose soo diyaarinta qorshahani horumarineed oo la filayo inuu wax badan ka bedello qorshaha magaaladda.

“Waxaan saaka daah furay qorshaha mashruuca horumarinta degmooyinka ee (GPlG) shanta sano ee soo socda, ee degmada Laascaanood.
Waxaana igu wehelinayey maayarka magaalada Laascaanood maayar ku xigeenka magaalada Laascaanood, Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Laascanood iyo Agaasimaha Waaxda dhaqanka iyo siyaasada ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale gudoomiyaha gobolka Sool
Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha in ay ku dedaalaan sidii ay u soo saari lahaayeen qorshe wanaagsan oo wax ka qabta baahiyaha bulshadda.
Waxaanu yidhi, “Waxaanan ku booriyay ka qayb galeyaasha inay ka shaqeeyaan qorshe balaadhan oo wax ka qabta baahiyaha asaasiga ah”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here