Dastuurka ayaa Bayaamiyay Mashruuca Sharci E Ay Isku Gudbiyeen Baarlamaanka Somaliland

0
890

Qodobka 78aad ee Dastuurka oo bayaamiyay hanaanka Mashruuc-sharci ee ay isku gudbiyaan Golaha Guurtida Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha.

1.Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu aqlabiyad ku oggolaado waa in loo gudbiyo Golaha Guurtida, kaas oo markaas:­

b.Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara.

t.Haddi Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in mashruuca-sharciga kalfadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed, mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.

2.Mashruuc-sharci kasta uu Golaha Guurtidu aqlabiyad ku ogolaaday waa in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, kaas oo markaa:

b-Oggolaan kara ama wax ka beddelid soo jeedin kara

t- Haddii Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho malaha.

3.Mashruuc-sharci labada Gole soo oggolaadeen ee loo gubdiyey Madaxweynaha, haddi uu sidaa ku oggolaado, wuxuu Madaxweynuhu ku soo saarayaa faafinta rasmiga ah (21) maalmood gudahood.Haddii uu Madaxweynuhu oggolaan waayo ama wax-ka-beddelid soo jeediyo waa inuu kow iyo laabatan (21) maalmood gudahood ku soo war-geliyaa Shir­guddoonka Golaha Wakiilada sababta uu u cuskaday.

4.Haddii uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo mashruuc-sharcigaas uu mar-Iabaad ku ansixiyo aqlabiyad 2/3 (saddex­meelood, laba) xubnaha Golaha, mashruuc-sharicgaas waa inuu Madaxweynuhu aqbalaa. Haddiise aqlabiyadu intaas ka yaraato, mashruuc sharcigaasi wuu burayaa.

5.Mashruuc-sharci uu Golaha Wakiiladu oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci maaliyadeed oo Golaha Guurtidu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad (2/3) (saddex meelood laba) xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiiladu ku qanci waayo diidmadaasi oo mar labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-­meelood laba) xubnaha Golaha, mashruuca-sharcigaasi wuu burayaa.

LEAVE A REPLY