QOFKA SOMALIGA AH DANTIISU MA WAXA AY KU JIRTAA IN UU 5 DAL YEESHO MISE DAL KALIYA ?

0
398
Qora Muhamed Dhimbiil

Dood ku lid ah dooda mar kale midnimo”

Marka aynu taariikhda dib u raacno dadka Somaalida ee ku nool Bariga Africa waxa ay u noolaayeen hab dhaqan oo beeleed iyada oo la kala deganaa dhulka ay ka sameysan yihiin dawladaha Somaliland, Somalia , Ethiopia, Djibouti iyo Kenya waxii ka horeeyey dawladnimadii 1960 kii ee ay ku midoobeen laba ka mid ahaa 5 tii soomaaliyeed oo kala ahaa #Somaliland iyo #Somalia.

Marka sidoo kale taariikhda dib loo raaco walow ay jirtay dawlada Ethiopia haddana maamulkeedu dadka soomaalida ah saameyn kumuu lahayn isla sidaasi oo kale maadaama ay ahaayeen dad muslim ah oo waliba xadaarado dabada ku haya maadaama ay dad xeeb ah ahaan jireen laguma soo deg-degi jirin.

Haddaba markii Africa gumeystuhu qaynsaday 1884 shirkii Berlin dalka Ethiopia laftiisu waxa uu ahaa DAL uu damac kaga jiro in uu xeebaha dhulka soomaalida la wareego, taasi waxa cadeyn u ah hadalkii boqor menelik ee ahaa hadii Ethiopia qarniyo badan ku dhex noolayd qaarad cawaan ah oo maanta aduunkii qaybsanayo Ethiopia ma noqon doonto mid daawanaysa !

Xiliga ay soo baxday ereyga Somaliweyn ( Greater Somalia ) waxa ay ahayd xiligii gumeystuhu joogay dhulka oo waliba dalka boqortooyada ingiriisku ( Great Britain ) ay gacanta ku haysay dhulka 4 ka mid ah 5 tii soomaaliyeed oo kala ahaa Somaliland protectorate, Southern Somalia, Northeast Somalia ( kenya ) iyo dhulka soomaalida Itoobiya ( Ethiopian Somalis ) xiligaasi oo wasiirkii arimaha gudaha ingiriisku codsaday in dhulka soomaalida isaga loo wada gacan galiyo si uu dawlad ugu dhiso, shir ka dhacay New York.

Intaa waxa wehelinayey oo 5 soomaaliyeed baa la mideynayaa iyo hawlahaa waday ururadii gobanimo doonka oo dhiiga shacabka soomaaliyeed ku kicinayey in uu gumeystuhu ka baxo , meesha laga bilaabay ee laga wadayna waxa ay ahayd Somaliland , wax la wadoba markii calankii la helay ee Somaliland boqortooyada ingiriiska ka hoos baxday ee ay dawlad noqotay 26 June 1960kii ayaa jibadii iyo kalgacaylkii cirka isku sii shareeray waayo shacabka ayaa dareenkoogu ahaa bal in ay helaan 5 ta soomaaliyeed oo calan kaliya iyo dal kaliya isku noqda.

Midnimadii Somaliland iyo Somalia ama waqooyi iyo koonfur , ayaa noqotay tii quwad jabisay kalgacaylkii lagu rabay in la helo 5 Soomaaliyeed oo dal kaliya noqda, sababtuna waxa ay noqotay labadii isku biiray oo aan aheyn laba isku meel iyo marxalad taagan laba aan isku wadaniyad iyo soomaali jacayl aheyn, laba uu kala maamulayey laba dal oo kala duwan oo nidaamyadooda siyaasadeed iyo hab dhaqanka axsaabtu u habeysan tahay aad u kala duwan yahay isla markaana ay Somaliada Talyaanigu haystay lahayd nidaam maamul hoosaad oo ay 10 sanoba is maamulayeen isla markaana ay lahaayeen dhaqan siyaasadeed beelaysan.

Arimahaa iyo qaar badan oo kale ayaa sababay in aan midnimo soomaali aan isku ujeedo ahayni suuragalayn , waxaana xusid mudan 30 ka sano ee ay jirtay jamhuuriyadii lagu midoobay 1 July 1960kii ee somalia in aan niyad lagu wada joogin isla markaana kala badh ka mid ah ay dadka reer Somaliland siyaasiyan dibada uga joogeen nidaamkii Somalia kaasi oo dhalay in sideedii sanadood ee dambena la goostay in qori lagula dagaalamo maadaama gudaha waxba laga sixi kari waayey , dawladii joogtayna at noqotay mid arxan daran oo dadka danaheega ku kala qoqobaysa, beel walbana sudhay beeshii ay isku deegaanka ahaayeen si ay u hesho cimri dherer oo looga mashquulo.

Maanta oo laga joogo 29 sanadood na la kala gurtay oo la noqday sidii la kala ahaa 1960kii labadii dawladood ee isku biiray oo midwaliba dhinaceega u dhisan tahay, walow aanu caalamku kala saarin ilaa hadda hadana la og yahay oo aduunka, Africa iyo dawladaha gobolkuba ka dheregsan yihiin xaaladaha lagu kala sugnaa 29 sanadood ee ugu dambeeyey.

Waxa isweydiin leh haddaba hadii umada soomaalida loogu talogalay in ay qayrkeed ka hadho oo aanay gobolka Geeska Africa iyo guud ahaan aduunkaba waxba la qaybsan waxa ay ku mashquulsanaan doontaa siyaasado iyo aragtiyo ma dhalays noqday oo dhalay burbur iyo natiijo la’aan iyo halkaa maanta la kala taagan yahay.

Amaba waxa la isweydiin doonaa tolow maanta qofka soomaaliga ah maanta maxaa u dan ah , ma isaga oo 5 dawladood yeesha oo sharaf ku noolaada maadaama aanay aduunka jirin xuduudo isir ee ay jiraan xuduudo dalal oo dadka wax la qabsada mise in looga sheekeeyo wax aan suuragalnimadeedu muuqan somalida sadexda dawladood ee Djibouti, Ethiopia iyo Kenya na ku ah lugooyo iyo dib u dhac halkii ay hore u socon lahaayeen.

Doodaydu waxa ay tahay danta qofka Somaliga ahi waxa ay ku jirtaa in uu 5 dal yeesho oo uu sharaf iyo horumar la gaadho gobolka iyo aduunkaba isla markaana sidii maanta taa loo hirgalin lahaa laga shaqeeyo oo aanay Somaliland iyo Somalia 30 sanadood oo kale isku dul xanibnaan, waayo xataa da yarta soomaalidu waxani laga sheekaynayo ee horena waxii uu dhalay mustaqbalkoogii iyo noloshoodii saameyn ku yeeshay ma rabaan umana taag hayaan lugooyo dambe.

Iyada oo aan dhacdooyinkii jamhuuriyadii Somalia intii ay jirtay dhacay ay raadadkoogii xumaa iyo saameyntoodii muuqato in maanta haddana iyada oo la soo jeedo la riyoodo oo wax aan jirin iyo midnimo danaysi ah laga sheekeeyaa maaha wax la sii dhagaysan karo wax mustaqbalka lagaga lumin karo da’yarta soomaalida oo kuwa Somaliland iyo kuwa Somalia ee aan waxanba garanayn taariikhna hayn loo sawiro humaag beenaad iyo hungo dambe maaha wax suuragalaysa.

Hogaanka dawladaha Somaliland iyo Somalia Siyaasiyiinta , Aqoonyahanka iyo cidkasta oo maanta wax ka geysan karta waxa la rabaa in halkan laga gudbo oo go’aan deg-deg ah laga qaato arimahani Somaliland iyo Somalia oo aynu yeelno sidaa Ethiopia iyo Erateria u noqdeen laba dal oo Gobolka kawada tirsan iyaga oo isku dad ah , waa hal xidhaale iyo imtixaan in laga gudbo maanta la rabo.

Muxamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY