Fayraska Corona: Soomaaliya oo laga xaqiijiyay kiisas cusub

0
755

Muqdisho— Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in laba kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay Soomaaliya, iyada oo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 7 qof, halka 1 qof oo ka mid ahna uu cudurka ka bogsaday.
Wasaaradda caafimaadku ayaa waxay sheegtay in 2-da qof ee cudurka haleeyay ay kala yihiin muwaaddin Soomaali ah iyo qof Ajnabi ah.
Horay ayay Guddiga sare ee u xilsaaran xakamaynta xaaladaha fayraska Corona oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini u sheegeen in Soomaaliya laga helay 5 qof oo qabta xanuunka Corona, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo.
Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ka tirsan Guddiga sare ee ay Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha COVID-19 ayaa Bulshada usoo jeediyay in aysan qarsan haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoona sheegay inuu ka cabsi qabo inuu Dalka ku Laba qarxo maaddaama ay Dadka qaarkii qarsanayaan.
“Wuu jiraa xanuunka ha difirin, Dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qor walbana ku dhici kara, waa farrinta aan Jecelnahay inaan Dadka la wadaagno”, ayuu yiri Cabdirisaaq.
Wuxuu Dadka ugu baaqay in aysan ka baqin xanuunka, kuna daydaan sida ay Bulshada caalamku usoo bandhigaan, wuxuuna baaq u diray Dadka isaga shakiyay ee ku sugan guryahooda iyagoo ka baqaya in la takooro macna qaldanna ka aaminsan.
Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dadka qaba Cudurka Corona ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bulshada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka.
Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka.
Dowladda waxay ku dhawaaqday in la xiro dugsiyadaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka.
Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.
Balse Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah.

BBC

LEAVE A REPLY