Shirka Lix Bilood ah Ee Wasaaradda Caafimaadka Oo La Soo Gebagabeeyay

0
337

Hargaysa (HP): Shirweynaha lix bilood laha ah ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa oo la soo gebagabeeyay ayaa laga soo saaray qodobo kala duwan.

Shirkaasi oo uu furay wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa ku saabsanaa dejinta qorsheyaasha wasaaradda caafimaadka ee shanta sanadood ee soo socda waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Waxaana shirkaasi ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee  heer qaran, heer gobol iyo heer degmo, iyadoona saddexdii maalmood ee uu socday lagu falan-qeeyay waxyaabaha u qorshaysan in wasaaradu ay qabato lixda bilood ee soo socda iyo isku-dubaridkiisa.

Qodobadda shirkaasi waxaa ka mid ahaa in la sii waddo hawlaha aasaasiga ah ee caafimaadka ee socda gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka ee  ka socda xarumaha caafimaadka dalka.

In wasaaradu ay xooga saarayso in la raadiyo dhaqaale (resource mobilization)-ka, xagga  dawaldda, iyo  xagga haayadaha caalamiga ah, in wasaaradu u hawl gasho dhaqaale hawshaasi lagu waddo.

Sida uu sheegay agaasimaha guud  ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo shirkaasi soo xidhay Khamiistii doraad.

Dr. Xergeeye, waxa uu intaas raaciyay in ka sekow raadinta ay doonayaan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu sii waddo hawlaha caafimaadka ee aasaasiga ah in loo baahan in dhaqaalaha yar ee ay wasaarad ahaan haystaan in si wadaanagsan oo isla xisaabtan leh loo maamulo.

Si dhaqaalahaasi oo ah cashuurtii bulshadda laga soo ururiyay ay u gaadho dadkii lahaa ee shacabka ahaa, sida uu xusay agaasimaha Xergeeye, oo faahfaahin ka bixinayay qodobadii shirkaasi la iskula qaatay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here