Wasiirka Beeraha Oo Soo Xidhay Shirkii Lagu Dejinayay Qorshaha 5 Sanno

0
345

Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Axmed Muumin Seed, ayaa soo xidhay shir wadatashi ah oo laba cisho ugu socday Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO uga socday Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Ujeeddada shirka ayaa ah sidii wasaaraddu  u diyaarin lahayd mashaariicda 5-ta sanno ee soo socda wax lagaga qaban doono baahida dhinaca Beeraha JSL.

Shirkan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guuda ee Wasaaradda Horumarinya Beeraha Mudane Rooble Cabdi Muuse, ayaa waxaa labada dhinac ay ku falanqaynayeen iskaashigooda dhinaca mashaariicda horumarinta Beeraha.

Iyagoo ahmiyadda siinaya, xaaladaha beeralayda, fursadaha jira iyo ahmiyadaha horumarinta qaranka.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen khubaro labada dhinac ah, ayaa si qoto-dheer la iskula eegay mashariicda horumarineed ee ay iska kaashan doonaan, si loo hanto himilooyinka qaranka ee dhinacyada horumarinta beeraha, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixiyeen khubaradu, isagoo ballanqaaday u helanaanta Wasaaradda ee horumarinta beeraha, iyadoo la gudanayo waajibaadka qaranka ee dastuuriga ah ee waasaraddu ugu aasasan tahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY