Qaranka Somaliland: Is Casilaadu Waxay ka mid tahay Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Dalka Somaliland ka Hirgalay!

0
799
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

In Masuul Xil Qaran hayaa uu is Casilo oo uu shaqada ka tago, ama Xilka laga qaado waa mid ka mid ah Sunnaha Dawladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee Dalkeena Hooyo ka Hirgalay, waana wax iska caadi ah in Masuulka Xilka hayaa is casili karo oo shaqada Qaranka ka tegi karo , marka uu Iscasilaalada ka Aqbalo Madaxweynaha Qaranku.

 

Hadaba haddii ay Masuuliyiin Xilal ka haya Dawlada ay Iscasilaan oo ay shaqada ka tagaan waa mid ay xaq u leeyihiin oo Dastuurka Dalkeenu uu u fasaxayo, hase yeeshee taas macnaheedu maaha in Qaranku uu burburayo, waxaynu nahay Qaran Dhisan oo ku taagan Jirrido adag oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Rug Cadaa ah oo Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh si Qaranka loo hogaamiyo Xaalad kasta oo timaada. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Shacbigiisa iyo Qarankiisa kala soo dabaashay Marxalado aad u badan oo aad u qadhaadhaa, waana Halyeey Diyaar u ah inuu Qarankiisa iyo Shacbigiisa ku hogaamiyo Horumar, Nabadqab iyo Guul marxalad kasta oo jirta.

 

Cadawga Somaliland waxaa muhiim inay ogaadaan in Dalka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay Qaran Dimuqraadi ah oo aanay wax dhib ah ku keenayn Masuul is casilaa, nidaamka Dawladnimo ee Dalka Somaliland ka jiraana waa mid Jirrido adag ku taagan oo aanay marnaba ruxi karin dabayl siyaasadeed oo kasta oo timaadaa.

 

 

Somaliland ha Guulayasto

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here